Itoobiya ayaa maanta ku eedeysay Masar in ay caqabad ku tahay damaca dalkaasi ee helitaanka marin badeed iyo deked ay leedahay, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosan labada dowladood.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiat Getachew oo maanta qabtay shir jaraa’id, ayaa sheegay in dowladda Masar ay isku dayayso inay carqaladayso dadaallada ay Itoobiya ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed istaraatiiji ah.
Af-hayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya aysan marnaba ka tanaasuli doonin hammigeeda ah inay yeelato deked, isagoo yiri: “In Itoobiya ay ahaato dal badda ka xiran waa mid aan la aqbali karin.”
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in 120 Milyan ee shacabka Itoobiya ay wax ku doonayaan wada wada hadal iyo nabad.
Qeela dhaanta Itoobiya ayaa ku soo aadeysa xilli, dhawaan heshiis ay ku dhawaaqeen dowladaha Masar iyo Eretariya oo shaaciyay in ay si wadajir ah u difaaci doonaan Amniga Badda Cas.
Itoobiya iyo Masar oo hore isugu hayay Biyo-xireenka Webiga Nile ayaa hadda waxaa uu khilaafka labada dal u wareegay dhinaca Badda Cas iyo loolanka saameynta Awoodda Gobolka.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…