GUDAHA/wararka

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb ku wajahan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda gaaraan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Sida ilo xog ogaal ah ay sheegeen Madaxweynaha ayaa kulamo looga hadlayo dagaalka AS, la yeelan doono Madaxda Galmudug, qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidanka xoogga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu furo mashaariic laga hirgaliyay magaalada Dhuusamareeb, sida xarig jarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur oo Dayactir lagu sameeyay.

Wafdi hore dhac u ah Madaxweynaha iyo ciidanka ilaalada ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin Madax ka tirsan Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa intii hayay xilka hayay muddo xileedkan dhowr jeer safar ku tagay deegaannada Galmudug, si loo xoojiyo howlgallada ay wadaan ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago