GUDAHA/wararka

Mucaaradka DF oo Wakiillada Beesha Caalamka kala hadlaya xaaladda Dalka

Xubnaha Mucaaradka ah ayaa maanta lagu wadaa in ay la kulmaan wakiillada Beesha Caalamka ee ku sugan Magaalada Muqdisho si ay ugala hadlaan xaaladda Dalka iyo shirkii natiijo la’aanta kusoo dhammaaday ee dhowaan labada jeer la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxyaabaha ay kala hadlayaan waxaa kamid ah qodobka la isku mari waayay ee cutubka 4aad ee Dastuurka Dalka oo labo daraf kala istaageen Madasha ay ku mideysan yihiin xubnahaan mucaaradka ah ee Golaha Samatabixinta iyo Dowladda Federaalka.

Kahor kulanka waxa ay xubnaha Mucaaradka saacadihii lasoo dhaafay la hadleen Warbaahinta iyaga oo adeegsado hadallo xaaladda sii adkeynaya, waxa ay si toos ah u sheegeen in Dowladda Dhexe ee Federaalka isku mari waayeen howlaha la xiriira geeddi socodka Doorashooyinka Dalka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhowaan baaq furan oo si wadajir ah ugu socda u dirtay Dowladda Federaalka iyo Xubnaha Mucaaradka, waxa uu ku saabsanaa in wadahadalka lagu dhammeeyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed si looga fogaado wax weliba oo kala dhantaali kara wadahadalkaas socda.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

2 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

4 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

5 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

6 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

6 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

20 hours ago