Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhaafi waayay shuruudda Ruushka uu ku joojin karo dagaalka Ukraine ayaa ku qasbanaaday in uu martiqaado Volodymr Zelensky si uu ugu dhaadhiciyo ka tanaasulka dhul kamid ah dalkiisa si dagaalkaas usoo afjarmo.
Zelensky oo diidan in uu qayb kamid ah dhulkiisa ka tago isla markaana qaato Ruushka ayaa berri u safraya Magaalada New York iyada oo weliba markii ugu dambeysay uu tagay Magaaladaas uu ku canaantay Donald Trump kuna kala tageen.
Safarka Madaxweynaha Ukraine ayaa la dulsaaray su’aalo badan oo jawaabaha ku habboon lala sugayo marka uu la kulmo Madaxweyne Donald Trump maadaama dhowaan uu si rasmi ah u sheegay in uusan ka tanaasuli doonnin dhulkiisa.
Volodymyr Zelensky ayaa garab istaag ka raadsaday Dalalka Yurub, waxa uu marnaba dhinac uga bixi Karin Maraykanka oo labo dan isku qabaan, mar waxa uu ka helaa kaalmo Militari halka marka xigta dalkiisa laga doonayo macdanta ku jirta in Washington ka faa’iideysato.
Haddaba, Zelensky miyuu aqbali doonnaa in uu ka tanaasulo qayb kamid ah dhulkiisa?
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…