DIBADDA/Wararka

MW Sri Lanka oo cararay ka dib markii ay dibadbaxayaal careysan galeen madaxtooyada.

Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa Sabtida maanta ah ka cararay gurigiisa rasmiga ah wax yar ka hor inta aysan mudaaharaadayaasha ka careysan dhibaatada dhaqaale ee aan horey loo arag ee dalkaasi ka jirta xoog ku galin qasriga madaxtooyada aysanna la wareegin xafiis kiisa u dhow.

Sida ay booliisku qiyaaseen, boqollaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka agagaarka guriga madaxweynaha, iyaga oo dalbanayay in uu xilka ka dago sababo la xiriirta dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta.

Kadib markii ay xoog ku galeen albaabada xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa baraha bulshada si toos ah looga baahinayay dadweyne dhex mushaaxaya qolalka madaxtooyada, iyadoo qaar ka mid mudaaharaadayaashu ay isku tuureen barkadda lagu dabaasho ee madaxtooyada.

Qaarkood ayaa la arkayay iyaga oo qoslaya oo jiifa qolalka jiifka ee quruxda badan ee qeybta deegaanka, iyado intii aaney mudaaharadayaashu gudaha soo gelin ay ciidamadu rasaas fureen si ay dib ugu celiyaan islamarkaana si nabad ah Rajapaksa looga saaro qasriga.

“Madaxweynaha si nabad ah ayaa goobta looga saaray,” ayuu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka AFP. “Wali waa madaxweyne, waxaana ilaalinaya unug ka tirsan ciidamada militariga.”

Qasriga uu banneeyay ayaa ah mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee dowladda Sri Lanka, waxaana saraakiishu sheegeen in bixitaankiisu ay keeneyso su’aalo ah haddii uu wali doonayo in uu xilka sii hayo.

Saddex qof ayaa la dhigay isbitaal ka dib markii la toogtay iyadoo 36 qof oo kale iyana lagu dabiibayo isbitaalka kuwaasi oo dhibaato xagga neefsiga ahi ka soo gaartay markii sunta dadka ka ilmaysiisa loo adeegsaday meel aan ka fogeyn guriga madaxweynaha, sida ay sheegtay afhayeenka cisbitaalka guud ee caasimadda Colombo.

AFP

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

25 mins ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

2 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

3 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

8 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

10 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

11 hours ago