Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay howlgalka Hilaac ee Deegaannada maamulkiisa ka socda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay soo afjraridda Daacish iyo ‘AS’ oo weli ku sugan qaybo kamid ah Gobolka Bari.
Siciid Deni waxa uu intaas ku daray in duruufo kala duwan uu la kulmay howlgalka maamulkiisa uu wado balse uu haatan kasoo kabtay, waxa uu bogaaadiyay cid weliba oo ku gacansiisay Dowlad-Goboleedka Puntland howlgalladaa socda.
Deni ayaa ciidamada ammaanka faray in ay xoogga saaraan kordhinta howlgallada ka dhanka ah Daacish & ‘AS’ isaga oo tilmaamay in si gaar ah looga baahan yahay in ay adkeeyaan nabadgalyada Magaalooyinka si aanay ugu dhex dhuuman.
Buuralayda Calmiskaad & Cal-madoow ayuu xusay in ay yihiin goobaha saldhigga u ah
“Muddo sanad ku dhow waxa ay ciidankeennu horumar ka sameeyeen howlgalka sifaynta, meelaha ay ku dagaalamayaan xitaa ma ahan meelo ay baabuurtu geli karaan oo aanay xitaa sidoo kale geli karin owrtu, Diyaarado ayaa wax looga daadiyaa, intaas waxa ay u samaynayaan waa in ay soo afjaraan Kooxaha Argagixisad, waxaa naga go’an aan soo afjarno kooxahaas” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha DG Puntland.
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa dagaallada ka dhanka ah Daacish iyo ‘AS’ waxa ay sheegtay in ay ku gacansiinayaan Dowlado sida Maraykanka iyo Imaaraatka Carabta oo duqaymo culus ka fuliya goobaha ay adag tahay in si fudud loo galo.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…