GUDAHA/wararka

Maxay yihiin ciidamada cusub ee lagu wareejiyay Amniga Magaalada Garoowe?

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ciidamo cusub ku wareejiyay adkaynta amniga Magaalada Caasimadda u ah ee Garoowe, ciidankaan oo ah Booliis dhowaan tababar gaar ah soo dhammaystay si ay wax uga qabtaan falalka amniga liddiga ku ah.

Taliyaha ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa kulan gaar ah la yeeshay ciidamada laga wareejinayo sugidda amniga Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal isaga oo sheegay in qudhooda tababar aqoon kororsi ah la siin doonno.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyay ciidankaan cusub, waxa uu sheegay in uusan ka hor dhacayn waxqabadkooda, aqoontooda iyo sida ay wax u qabanayaan sida uu yiri.

Puntland ayaa tababar siisay ciidamo cusub oo ku biiraya Booliiska Dowlad-Goboleedkaas kuwaas oo tababarkooda la sheegay in uu la jaanqaadayo isbaddelka dhinaca Teknoolajiyadda si ay ciidamadaas uga hortagaan fal-dambiyeedka ka dhici kara.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

7 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago