Ugu yaraaan 13 qof oo Soomaali ah ayaa lagu wadaa in ay dalka dib ugu soo laabtaan kuwaas oo muddo ku xirnaa dalka Iiraan.
Muwaaddiniintan ayaa dowladda Iraan waxaa ay cafis u fidisay Bishii November ee sanadkii hore xilligaas oo lagu siidaayay xuska Dhalashada Nabi Maxamed NNKH.
Diyaarinta Dukumiintiyada ay dib ugu soo laabanayaan Soomaaliya ayaa la sheegayaa in la dhameystiray islamarkaana ay dhawaan dalka dib ugu soo laaban doonaan.
Dowladda Iraan ayaa sheegtay Bishii November ee sanadkii hore in ay xuska dhalashada nabiga NNKH darteed cafis u fidisay Soomaalida ku jirtay Xabsiga Evsin ee dalka Iraan ku yaalla.
Dalka Iraan waxaa ku xiran Soomaali ka badan 60 qof,kuwaas oo intooda badan lagu eedeeyay Burcad Badeed ama ay xireen Doomaha Iiraan ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya.
Kalluumeysiga Sharci darrada ah ee dalalka qaar sida China, Iraan iyo kuwo kale ayey khubarada dhinaca Badda ku sheegeen in ay horseedday kacdoonkii Burcad Badeedda ee Xeebaha Soomaaliya ka dillaacay 2008dii.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay boqolaal Soomaali ah ka soo deysay xabsiyada Caalamka kuwaas oo inta badan ku eedeysnaa Burcad badeednimo
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…