Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta tababar u soo xiray Ciidan ka tirsan Booliska Maamulka Hirshabeelle.
Ciidamadan oo tiradoodu gaareyso 200 Askari ayaa waxaa ay tababat ku qaateen Magaalada Jowhar,waxaana ay ku biirayaan Booliska Maamulka Hirshabeelle.
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa ciidamada kula dar daarmay sugidda amniga degaannada Hirshabeelle.
Hirshabeelle waxaa 28ka bishan ka baxaya kun ka mid ah Ciidanka Burundi ee jooga Soomaaliya,iyada oo mas’uuliyiinta Maamulkaasna ay sheegeen in hadda aysan heysan Ciidan buuxin kara booska ay banneynayaan Ciidamada AMISOM ee dalka ka baxaya.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horay u sheegay in go’aanka lagu saarayo kun ka mid ah Ciidanka Burundi ee jooga Hirshabeelle uu yahay mid xanuun badan haddana aan la hureynin maaddaama ay go’aamiyeen Midowga Afrika oo uu hoostago howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…