Muran u dhaxeeya labo beel oo saaka ka taagan Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka mgaalada uu ka taaganyahay Khilaaf u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed oo Magaalada ku wada sugan.

Arrintan ayaa salka ku heysa Bajaajle Labo maalmood ka hor lagu dilay Beledweyne,iyada oo Ciidanka Booliska ay qabteen Askari ka tirsanaa Booliska oo dilka geystay.

Malleeshiyo ku heyb ah Bajaajlaha la dilay ayaa shalay isku dayay in ay xoog Saldhigga Booliska ugala baxaan Askariga dilka geystay waxaana ay sababtay isku dhac dhexmaray Ciidankii saldhigga iyo Malleeshiyada weerarka qaadday.

Ugu yaraan saddex qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay weerarkaas,waxaana ku dhaawacmay labo kale,Milatariga Soomaaliya ayaa kala dhexgalay dhinacyada iyaga oo la wareegay Askariga ka tirsan Dowladda hoose ee dilka geystay.

Warar hoose ayaa sheegay in Malleeshiyada labada beelood ay isu hub urursanayaan,waxaana arrintan walaac ka muujiyay dadka Rayidka ah ee Magaalada deggan oo ka baqaya in lagu dul dagaallamo.

Maamulka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta Gobolkaba kama hadlin ilaa hadda colaadda ka soo cusboonaatay Beledweyne.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

12 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago