Mucaaridka Syria oo gabar 4 jir ah ku wareejiyay qoyskeeda.

Kooxda Mucaaridka ah ee Syria  ee heysta Gobolka Idlib ayaa Gabar afar sano jir ah ku wareejiyay hooyadeed oo u dhalatay Dalka Belgium-ka.

Wadahadallada lagu siideynayay Gabadhan ayaa ka socday dhinaca Turkiga iyo gudaha Gobolka Idlib,waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in gabadhaasi la sii daayo.

Gabadhan ayaa u gacan gashay Mucaaridka Syria kaddib markii ay dileen aabaheed,iyadana xabsiga dhigeen,hooyadeed oo ku sugan Turkiga ayaa dacwad ka gudbisay kooxdan,ugu dambeynna waxaa lagu guuleystay siideynta Yaasmiin.

Fawaz Hilal, oo ah madaxa mucaaridka Syria ee heysta Gobolka Idlib ayaa sheegay in wadahadalka lagu siidaayay Gabadha yar ay qeyb ka qaarteen dowladda Syria, dadka degaanka iyo Jabhadda uu madaxda ka yahay ee Taxriir Al-shaam oo  kala bar Gobolka heysata.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

1 hour ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

2 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

2 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

16 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

18 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

21 hours ago