GUDAHA/wararka

Mucaaradka oo mar kale berri tagaya Villa Somalia

Waxaa lagu wadaa in maalinta berrito ah ay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia mar kale dib uga bilowdaan wada-hadallada u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha midowga Mucaaradka, gaar ahaan Golaha Mustaqbalka.

Labada dhinac ayaa la filayaa in ay kulamadooda diiradda ku saaraan arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreeyaan hannaanka Doorashooyinka Qaranka iyo dib-u-eegista Dastuurka dalka.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa la filayaa inay berri mar kale tagaan Villa Somalia iyagoo wada qodobo iyo talooyin ay isku soo fahmeen.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhankeeda dadaal ugu jirta sidii loo qancin lahaa dhinacyada mucaaradka, si loo dardar-geliyo qorshayaasha dowladda ee la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ah iyo dhameystirka Dastuurka.

Wada-hadalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka isha ku hayaan waxa ka soo bixi kara kulamada Dowladda Federaalka & Xubnaha Mucaaradka.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

8 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

10 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

11 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

15 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

18 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

18 hours ago