GUDAHA/wararka

Hay’adda Hormuud Salaam oo deeq lacageed ku wareejisay 120 Qoys iyo Xaruunta Maamo Ugaaso

Hay’adda samafalka ee Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq lacageed oo isugu jirta taageero iyo garab istaag ku wareejisay Xarunta Xannaanada Gabdhaha Agoonta ah ee Maamo Ugaaso iyo Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC).

Ugu horreyn, Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed oo gaaraysa $10,000 (Toban Kun oo Dollar) ku wareejisay Xarunta Maamo Ugaaso.

Xaruntan ayaa hoy ah, daryeel caafimaad, iyo waxbarasho isugu jirta maaddooyinka asaasiga ah iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah u fidisa gabdho yar-yar oo agoon ah.

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi (Kobac), oo ka hadlay munaasabadda wareejinta, ayaa yiri “Lacagta aan ku wareejinnay Maamo Ugaaso waxaan ugu talagalnay inay ku kaalmayso shaqooyinka muhiimka ah ee ay xaruntu u hayso ubadka Soomaaliyeed. Waxaan u mahadcelineynaa Maamada isku xilsaartay daryeelka agoonta.”

Sidoo kale, Maamo Ugaaso oo ah maamulaha xarunta, ayaa u mahadcelisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, iyadoo tiri  “Deeqdan lacageed waan idin kaga mahadcelinaya Hormuud Salaam, waa arrin boggaadin mudan sida aad u garab taagan tihiin Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka jilicsan”

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed oo loogu talagalay 120 qoys oo danyar ah ku wareejiyay Ururka Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed (SWDC).

Qoysaskan oo isugu jira rag iyo dumar, ayaa u badan dad waayeel ah iyo kuwo qaba baahiyo gaar ah oo aan awoodin inay shaqaystaan.

Agaasimaha Guud ee Ururka SWDC, Sahra Maxamed Axmed, iyo mas’uuliyiin ka tirsan ururka African Women Leadership Network, ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay hay’adda kaalinta weyn ee ay ka qaadatay samata-bixinta dadka nugul.

Dhankeeda, Raaxo Xuseen Xirsi, oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Hormuud Salaam Foundation, ayaa xustay in hay’addu ay mudnaanta koowaad siinayso daryeelka qaybaha bulshada ee u baahan gurmadka degdegga ah, gaar ahaan xilliyada adag.

“Iyadoo dalku uu ku jiro xilli adag oo ay jiraan saamaynta abaaraha, Hormuud Salaam Foundation waxay dadaal weyn ku bixinaysaa sidii ay u garab istaagi lahayd dadka tabaalaysan. Waxaan xoogga saarnay inaan bixinno tabarucaad u fududeynaya bulshada inay helaan Afur iyo adeegyada asaasiga ah,” ayay tiri Guddoomiye Raaxo Xuseen.

Ugu dambeyntii, qaar ka mid ah qoysaskii ka faa’iideystay deeqdan lacageed ayaa muujiyay dareenkooda, iyagoo tilmaamay in Hormuud Salaam Foundation u soo gurmatay xilli ay u baahnaayeen, isla markaasna ay sooman yihiin Bisha Barakeysane ee Ramadaan.

Maalmihii la soo dhaafay Hay’adda Hormuud Salaam ayaa gargaar iyo deeq lacageed gaarsiisay xarruumaha loogu adeego bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa nugul.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago