Midwoga Yurub oo sheegay in Burcad Badeedda Soomaalida ay Doon Weerareen.

Ilaalada Doon laga leeyahay Hong Kong ayaa gar-gaar weydistay Markab Dagaal oo ku sugnaa Xeebaha Soomaaliya, kadib markii ay weerar kala kulmeen Koox katirsan Burcad Badeeda Soomaalida Galabkii Jimcaha.

Weerarkaan ayaa ka dhacay Biyaha Soomaaliya, waxaana Kooxdii Burcadda rasaaseeyay Markab Dagaal oo ku sugnaa Meel ka fog Biyaha Soomaaliya Masaafo ahaan 340 Nautical Miles.

Midowga Yurub ayaa sheegay in Hoos udhac uu ku yimid howlgalada Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida tan iyo Sanadkii 2017-kii oo ay dib usoo cusbooneysiiiyeen weeraradooda.

Markabka la yiraahdo MVSL oo kamid ah Maraakiibka ka howlgala Xeebaha Soomaaliya ayaa ka badbaadiyay Kooxdii Burcadda Ahayd in ay ku guuleystaan Afduubkii ay la damacsanaayeen Doonta laga leeyahay Hong Kong.

War kasoo baxay Midowga Yusug ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay wali jirto Khatarta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida inkastoo aan ahayn sidii hore.

Waxa ay tilmaameen in Marwaliba ay ka feejigan yihiin sidii ay ugu dib isugu soo abaabuli lahaayeen Kooxahaan oo Malaayiin Doollar horay ugu qaatay Maraakiib iyo Doomo ay qafaasheen.

Biyaha Soomaaliya waxaa ku sugan Maraakiib Dagaal oo badi ka socda Howlgalka Midowga Yurub, waxa ayna sheegaan Dowladaha ay ka socdaan in ay ilaaliyaan Isku socodka Ganacsiga Dalxiiska si aan Khatar ula kulmin.

Warbixino is xig-xigay oo kasoo baxay Midowga Yurub waxa ay horay ugu sheegeen in Wali aan lasoo gaba-gabeyn howlgalka ka dhanka Burcadda, balse ay hoos u dhacday Weeraradii ay qaadi jireen.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

4 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

6 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

7 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

11 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

14 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

14 hours ago