Midowga Yurub oo hakinaya kaalmada Booliska Koofur Galbeed

Midowga Yurub ayaa sheegay in uu hakad gelinayo kaalmada uu siiyo Booliska Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii Midowga Yurub, Germany iyo UK ay sheegeen in xadgudub loo geystay dad rayid ah oo ku banaanbaxayay Baydhaba.

Wakiilak Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom, ayaa warqad u qoray Wasiirka Wasaaradda amniga dowladda Federaalka ah taas oo uu ku sheegayay in Dowladda Federaalka ah caddeyso sharciga loo maray Xarigga Mukhtaar Roobow, taageerayaashiisa lagu dilay Baydhaba ee gaarayay 15ka qof iyo 300 Qof oo oo Xabsiga la dhigay.

Waxaa uu Mr Nicholas Haysom, sheegay in dalalka Yurub, UK iyo Germany ku wargeliyeen in ay hakinayaan kaalmada Booliska Koofur Galbeed iyaga oo sheegay in aysan bixineyn kaalmo lagu dhibaateynayo dad rayid ah.

Inta badan dadkii loo xir xiray Rabshadihii Badhabaya ka dhaca intii u dhaceysay 13 ilaa 18kii December sanadkii la soo dhaafay ayaa xabsiyada laga sii daayay,waxaa ay ka careysnaayeen xarigga Dowladda Soomaaliya u geysatay Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa musharrixiinta Koofur Galbeed Soomaaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

8 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

10 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

11 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

18 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

18 hours ago