Meydadka lix ka mid ah Raggii weeraray Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi ayaa loo qaaday Dalka Mareykanka si baaris loogu sameeyo.
Qof ku dhow arrintan ayaa wargeyska Nairobi News u xaqiijiyay in FBI-da Mareykanka ay qaateen Meydadka shan ka mid ah Raggii weerarkaas geystay iyo haraadiga qofka lixaad ee is qarxiyay.
Baaritaanka lagu sameeynayayo meydadkaas waxaa kale oo la xaqiijiyay in ay ku lug leedahay hay’adda Sirdoonka Israel ee Muusaad loo yaqaan.
Dhowr maalmood kaddib ayaa wakiillo ka kala socda FBI-da iyo Muusaad ay ku sugnaayeen Hotelka iyada oo adeegsanayay Kiimikooyin si ay u ururiyaan haraadiga hilbaha laga helay goobta weerarka kaddib.
Agaasimaha laanta Dambi baarista Kenya George Kinoti , ayaa horay u sheegay in Meydadka baaritaan lagu marsiinayo gudaha Dalka Kenya,waxaana uu xilligaas muujiyay in khubarro caalami ah ay baaritaanka qeyb ka noqon doonaan.
Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Nairobi ayaa dhacay 14kii January,waxaana la soo gaba gabeeyay 15kii Bishaas,iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 21 qof oo isugu jira Kenyaan iyo ajaanib u dhashay Mareykanka,UK Koofur Afrika iyo kuwo kale.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…