Jabuuti iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiis dhoofinta shidaalka ku saabsan

Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira dhoofinta shidaalka laga helay dalka Itoobiya.

Heshiiskan ayaa ku kacaya $3.2Bilyan oo doollarka Mareykanka ah,waxaana mid ka mid ah dekadaha Dalka Jabuuti laga dhoofinayaa shidaalka Dowladda Itoobiya ay ka soo saareyso Ismaamulka Soomaalida.

Heshiiskan waxaa qeyb ka ah Dhuumaha qaada Shidaalka oo ka billaabanaya dalka Itoobiya kuna dhamaanaya Dekadaha Dalka Jabuuti iyada oo dherarka uu gaaray 760KM.

Sharikadda Shidaalka ee China ee Poly-GCL , ayaa fulin doonta Mashruucan iyada oo dhiseysa Wershad shidaalka ku sifeysa Dekadda Jabuuti.

Dhoofinta shidaalka ayaa waxaa ay billaabaneysaa sanadka 2021ka, sida ku cad heshiiskan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Jabuuti.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka Dalka Itoobiya Koang Tutlam  ayaa sheegay in marka Mashruucani billowdo uu dakhliga dalkiisa kordhayo 6 ilaa 7% sanad kasta.

Dalka Jabuuti waxaa heshiiskan oo shalay la saxiixay ku matalayay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Yonis Cali Guuleed, halka Itoobiya uu u saxiixay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Samuel Urkatu .

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Jabuuti Yoonis Cali Guuleed ayaa sheegay in hehsiiskan uu kumanaan shaqo ah u abuurayo muwaaddiniinta labada dhinac Jabuutina ka faa’deyso dakhliga wadda marista.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

2 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

4 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

4 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

9 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

11 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

12 hours ago