Laacibka kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tagi karo kooxda Arsenal ka inta uuna xirmin suuqa horyaalada yurub ee kale sida ay sheegayaan wararku.
Kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Ozil ayaa lagu soo waramayaa in uu wajahayo mustaqbal aan la hubin oo kooxda Arsenal ah kadib markii ay isku dheceen tababaraha kooxda Arsenal.
Xiddiga iyo tababaraha ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dheceen xilli ay ku jireen tababarkii jimcaha iyada oo ay sabab u tahay booska uu doonayo in uu xiddigu ka ciyaaro.
29 jirka reer Germany ayaa seegay kulankii ay Arsenal guusha 3/1 ah ka gaadhay kooxda West Ham kadib markii uu tababare Unai Emery sheegay in uu xiddigu kulankaas ku seegay xanuun.
Wargayska Daily Express ayaa sheegaya in uu xiddigan ka tagi karo kooxda Arsenal ka hor inta ayna gaadhin 31 bishan aynu ku jirno ee August oo ah maalinta uu suuqa yurub xidhmi doono.
Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Germany midkood ku biiri doono kooxaha PSG ama Kooxda Real Madrid inkasta oo ay ugu cad-cadahay adeegiisa kooxda PSG.
Warkan ayaa imanaya 4 saac kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay xiddiga iyo tababaruhu isku dheceen tababarkii jimcihii taas oo keentay in uu xiddigu isaga tago tababarka.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…