Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa la soo taagay Rag ku eedeysnaa AL-shabaabnimo kuwaas oo qaarkood la xukumay kuwo kalena la siidaayay.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun 15 Sano oo xabsi ah ku ridday Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan, kaas oo sida ay Maxkamadda sheegtay Al-shabab uga biiray degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe sanadkii 2013kii.
Ninkan ayaa 20kii Bishii May ee sanadkan laga qabtay Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho,waxaana uu ka tirsanaa sida Maxkamadda ay sheegtay Ciidamada AL-shabab qeybta Amniyaadka loo yaqaan.
Maxkamadda ayaa siideysay xubnaha kala ah; Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaahi Subeyr Cumar iyo Cabaas Idiris sheekh Cali,kuwaas oo lagu waayay dambigii lagu soo oogay.
Maxkamadda ayaa soo bandigtay Dhar Tuutaha Ciidanka ah oo uu watay Cali Maxamed oo uu isugu ekeysiinayay Milatariga Soomaaliya, Qori AK 47 ah, Rasaas iyo Bambooyin.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…