Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida aya Xukun dil ah ku ridday labo Wiilashan oo loo heysto in ay ka dambeeyeen weerarradii lagu qaaday Tiyaatarka Qaranka iyo Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Maxamed Cali Barrow iyo Canshuur Cismaan Abuukar, ayaa lagu eedeeyay in labadaba ay la socdeen gaari lagu qarxiyay agagaarka Daljirka daahsoon markii qaraxa lala beegsaday Tiyaartarka Qaranka dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay.
Eedaha kale ee Raggan Maxkamadda ku soo oogtay waxaa ka mid ah weerarkii 9kii Bishii November ee 2018 lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 50 qof.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka Raggan ku dhawaaqay ayaa sheegay in xukunkan uu leeyahay racfaan.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…