Ra’isalwasaaraha Dalka New Zealand Jacinda Ardern, waxaa aad loogu amaanay fal celintii ay ka bixisay weerarkii lagu qaaday labada Masaajid ee lagu laayay dadka Muslimiinta ah oo cibaadeeysanayay.
Tallaabooyinka ay qaadday dhacdada ugu xumeyd ee taariikhda New Zealand kaddib ayaa aad loogu amaanay,waxaana ay muujisay hoggaamiyenimadu waxa ay tahay.
Halkan waxaan ku soo gudbineynaa shan qodob oo muhiim ah oo ay hoggaamiyayaasha Caalamka uga dayan karaan Jacinda Ardern, waxaana ka mid ah.
1-waxaa ay durba cambaareysay weerarka oo ay ku tilmaantay mid argagixiso iyada oo aan ka fiirin qolada weerarka geysatay.
Waxaaay ku qaadatay 24 saac in Ninka weerarkaas geystay ay ku tilmaantay argagixiso, dambiile ah, iyo in aysan ku dhawaaqi doonin magaciisa mar dambe, waxaa ay go’aankaas ku sababeysay in aan la buun buunin argagixisada.
2-waxaa ay waqti badan la qaadatay dadkii ehelka la ahaa kuwa lagu laayay weerarkaas,waxaa aad loogu amaanay sida ay xabadka u gelisay, ula murugootay una qaabishay dadka Muslimiinta ah ee dhibaatada soo gaartay.
Waxaa ay xiratay Xijaabka si ay u maamuusto Islaamka iyo dadka waxyeellada soo gaartay,waxaa ay furitaanka Baarlamaanka amartay in Qur’aan lagu furo, waxaa ay sidoo kale Xubnaha Baarlamaanka ku salaantay Salaanta Islaamka ee “Asalaamu Calaykum”.
3-waxaa xoogga saartay dhibbanayaasha,waxaana ay dadka ugu baaqday in ay go’aankeeda oo kale qaataan, korna aysan u qaadin magaca qofka weerarka fuliyay, beddelkeeda tiiraanyada lala qeybsado dadka dhibbanayaasha ah.
4-waxaa ay sidoo kale durba qaadday tallaabo lawada jecleystay oo ah wax ka beddel lagu sameeyay xeerarka heysashada hubka,waxaana durba la mamnuucay iibsashada qoryaha darandoorriga u dhaca.
5- waxaa ay durba ku baaqday in isbeddel lagu sameeyso siyaasadaha baraha bulshada ee Internetka iyo Tignolojiyadda oo ay ku tilmaantay kuwo ka qeyb qaatay baahinta naceybka.
Waxaa ay ku baaqday in Sharikadaha Tignolojiyadda aysan iska dhigin dhex dhexaad marka ay taaganyihiin musiibooyinkan oo kale, loona baahanyahay isbeddel dhinaca siyaasadaha sharikadaha Internetka iyo Tignolojiyadda ka shaqeeya ah.
Mustaqbal Radio
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…