Maxkamad ku taalla Turkiga oo xukun ku ridday wiil uu adeer u yahay Fethullah Gulen

Maxkamad ku taalla Magaalada Ankara ee Xarunta Dalka Turkiga ayaa la soo taagay wiil uu adeer u yahay Hoggaamiyaha lagu magacaabo Fethullah Gulen ee u dhashay Dalka Turkiga.

Wiilkan ayaa lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanyahay Ururka Fethullah Gulen ee lagu magacaabo FETU, kaas oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee sanadkii 2016kii ka dhacay Dalka Turkiga.

Selman Gulen, oo ka hor hadlayay Maxkamadda ayaa sheegay in adeerskiis uu kaliya hal mar la kulmay noloshiisa,islamarkaana uusan ku jirin ururkiisa.

Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akara ayaa Isniintii Baarlamaanka dalka Turkiga ka hor sheegay in shaqada laga eryay lana xiray 15,154 xubnood oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada.

Dacwad oogaha Maxkamadda ayaa dalbaday in Selman Gulen, lagu xukumo 7 ilaa 15 Sano oo Xabsi ah.

Mustaqbal media

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

11 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago