Maxay wadagaan Bakteeriyada Normal Flora iyo Qabiilku?

Cabdinaasir Shidde Cali oo ah arday barta cilmiga dhaqtarnimada (Medicine) kuna nool magaalada Muqdisho; ayaa dhowaan helay isu ekaansho ka dhaxeeya Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora!

Waxa uu helay in marka ay xaaladdu caadi tahay ay qabiilka iyo Bakteeriyadu u shaqeeyaan si wanaagsan, isuna egyihiin, balse marka ay xaaladdu caadiga ka baxdo Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora ayaa isku si u shaqeeya isuna ekaada.

Waxa uu Cabdinaasir sheegayaa in haddii ay Bakteeriyada Normal Flora ay tusaale ahaan ka baxdo ama ka guurto meeshii ay uga noolayd jirka waxa dhacaya khatar caafimaad oo soo wajahda qofka, sidaas oo kalana haddii uu hoos u dhaco difaaca qofku waxa ay isu rogtaa fursad-gaad, waxa ayna sababtaa xannuun sababa khatar kale oo caafimaad, dhinaca kale haddii Qabiilka oo loogu talagalay isbarashada iyo isu kaalmeynta wixii wanaag ah uu soo dhaafo halkaas oo maamulka iyo dowlada la dhex keeno waxa uu sababayaa halis dhinaca nabadgelyada iyo jiritaanka dalka soo wajahda sida maanta taagan.

Haddii dowladda iyo kala dambeyntu ay meesha ka baxaan qabiilku waxa uu isku dayayaa in uu kaalintaas buuxiyo, taasna waxa ay keeneysaa in dhammaan qabaailku isqabsadaan oo dagaalamaan ama ay ku tartamaan awoodda sida Bakteeriyada Normal Flora u sameyso dhibka marka uu difaaca jirku hoos u dhaco!

Haddaba waxa uu nooga warramay  sida ay isugu egyihiin Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora!
Halkan kadaawo muuqaalka Cabdinaasir Shidde Cali oo ka hadlaya xiriir uu u sameeyey Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora!

General Editor

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

23 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

4 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

7 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

9 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

10 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago