Categories: Last News

Dhamaad: Xulka France oo garaacay Xulka Croatia kuna guuleystay Koobka Adduunka Russia 2018.

Xulka qaranka France ayaa si qurux badan ugu qaaday koobka adduunka Russia 2018 kadib guul fudud oo ay ka gaareen xulka qaranka Croatia iyaga oo kor u qaaday koobka adduunka markii 2-aad ee taariikhdooda.

Kulanka ayuu xulka Croatia si qurux ku bilowday iyaga ka awood badan France waliba maamulayay ciyaarta iskuna dayay in ay dhaliyaan goolal.

France ayaa dhankiisa kulanka ku bilowday sidii ay u ciyaarayeen koobka tan ilaa maalintii ugu horaysay iyaga oo daafac ku jiray iskuna dayayay in ay qaadaan weeraro rogaal celis ah.

Xulka France ayaa dhaliyay goolka 1-aad daqiiqadii 18-aad iyaga oo uu goolka si khaldan isaga dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Mario Mandzukic kaas oo hogaanka u dhiibay France.

Croatia ayaa halkeedii ka sii waday weerarka iyaga oo laba jibaaray dadaalkii ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan kuna keenaan bar-baraha.

Xulka Croatia ayaa helay wixii ay doonayeen waxana ay daqiiqadii 28-aad dhaliyeen goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ivan Perisic kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

France ayaa ciyaarta mar kale hogaanka u qabatay iyada oo uu rikoodhe ku abaalmriyay VAR kaas oo uu gool u badalay xiddiga Antoine Griezmann daqiiqadii 38-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka France hogaanka ku hayo 2/1 laakiin laga qaab ciyaareed fiican oo ay 2-da gool nasiib ku dhaliyeen.

Qaybtii dambe ayay Croatia si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha fursado waali ahna sameeyay.

Laakiin France ayaa wixii ay ku caan baxday ku dhalisay gool iyada oo weerar rogaal celis ah daqiiqadii 59-aad ku dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Paul Pogba oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

France ayaa mar kale ka faa,iidaystay weerar rogaal celis ah iyaga oo uu gool u dhaliyay da,yarka Kylian Mbappe kaas oo goolka dhaliyay daqiiqadii 65-aad ciyaartana ka dhigay 4/1.

Xulka Croatia ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta daqiiqadii 69-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mario Mandzukic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/4.

Croatia ayaa isku dayay in ay dhaliyaan goolal kale si ay ciyaarta ugu soo laabtaan ciyaaarta laakiin France ayaa dhamaantood daafaca dib ugu laabtay iyaga oo ilaashanayay labada gool ee ay dheeryihiin Croatia.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka France sidaas ugu gaaray guul muhiim ah oo ka caawisay in ay ku guulaystaan koobkoodii 2-aad ee adduunka ee taariikhda.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

3 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

6 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

7 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

9 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

9 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

10 hours ago