GUDAHA/wararka

Maxaa keenay in dib loo dhigo doorashada goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ku dhawaaqay in mar kale dib loo dhigay qabashada doorashada goleyaasha deegaanka ee dalka, taas oo qorshaha hore ahayd in lagu qabto 30-ka November 2025.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Cabdikariim Axmed, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada dib loogu riixay 25-ka December 2025, kaddib markii ay guddigu qiimeeyeen cabashooyin ay muujiyeen qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ee ku hawlan diyaar-garowga doorashada.

“25 December 2025 ayaa la qaban doona doorashada goleyaasha deegaanka, waxaana eegnay cabasho ay muujiyeen qaar kamid ah ururada siyaasadda,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in doorashada ay ka qaybgalayaan 61 urur siyaasadeed, halka tirada dadka codeyn doona lagu qiyaasay ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala socda gobollada dalka.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

17 hours ago