Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika AFRICOM ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya sanadkan ay ka badan yihiin kuwii sannadkii hore.
Sida ay u xaqiijiyeen Fox News Digital, sanadka 2024 waxaa Soomaaliya laga fuliyay 10 duqeyn oo kaliya, halka sanadkan ay AFRICOM qaaday in ka badan 100 duqeyn.
Howlgalka ugu dambeeyay ayaa ka dhacay buuraha Caalmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo godad ku jiray.
War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu caddeeyay in howlgalkaasi ay si wadajir ah uga qeyb qaateen Dowladda Federaalka iyo Taliska AFRICOM..
AFRICOM ayaa mar kale ku celisay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Daacish iyo AS ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…