Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka, gaar ahaan Hay’adda La-dagaalanka Dembiyada Maaliyadeed, ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan khataraha dhaqaale ee ka imaanaya lacagaha xuduudaha ka gudba, gaar ahaan kuwa ay diraan dadka ku suggan gudaha Mareykanka.
Bayaan ka soo baxay Hay’adda ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay ay kordheen lacagaha laga diro xawaaladaha.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Maaliyadda iyo Sirdoonka, John K. Hurley, ayaa sheegay in hay’adaha bixiya adeegyada lacag-dhiibista looga baahan yahay inay aad uga feejignaadaan dhaqdhaqaaqyada lacageed ee laga yaabo inay ku lug yeeshaan muhaajiriinta sharci-darrada ah ama shaqsiyaad kale oo halis ku ah amniga qaranka.
“Waxaan sii wadi doonaa inaan ilaalinno shacabka Mareykanka, annagoo si daacadnimo leh u dhaqan gelinayna shuruucda dalka,” ayuu yiri Hurley.
Digniinta ka soo baxday Hay’adda La-dagaalanka Dembiyada Maaliyadeed ayaa lagu xusay in lala socon doono dhaqdhaqaaqyada lacagaha laga shakiyo ee gaaraya ugu yaraan $2,000.
Hay’adda FinCEN waxay si gaar ah u tilmaantay in khatarta ugu weyn ay tahay in lacagaha loo diro dibadda Mareykanka ee lagu sameeyo waxyaabo ka hor imaanaya danaha dalkaasi.
Hadalka ayaa ku soo aadaya xilli boqolaal Soomaali oo isugu jira kuwa heysta sharci iyo kuwa aan heysan ay ku sugan yihiin gudaha Mareykanka, isla markaasna ay lacago kala duwan u soo diraan dadka ku sugan gudaha dalka.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…