Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanay loo cudur daari Karin xildhibaannada maqan bilaa fasaxa ah balse laga jarayo gunnadooda.
Abshirow waxa uu sheegay in 149 Xildhibaan oo maanta xaadirin kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya laga jarayo lacagta gunnada ee Bishaan maadaama dhowr digniin lasiiyay ay qaadan waayeen.
Xildhibaannada Xukuumadda ka tirsan ee xafiisyadooda jooga ee xaadiri karay fadhiga balse ka baaqday ayuu soo hadal qaaday Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka in ay qayb ka yihiin Mudaneyaasha gunnada laga jarayo.
“Xeer hoosaadka qaybta ah in gunnada laga jaro Xildhibaannada maqnaada ayaan dabaqaynee, muddo 3 saac ah ayaan joognay waxaana dhaafi weynay 126 Xildhibaan, Xildhibaannadu iyaga oo Magaalada jooga ayay maqan yihiin, Inta maqan khalad ayay ku maqan yihiin haddii ay yihiin Xildhibaannada & kuwa Xukuumadda katirsan” Ayuu yiri, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Kulamadii u dambeeyay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ayaa mararka qaar u baaqanayay kooram la’aan, guddoonka golahaas ayaa sheegay in uu qaadayo tallaabo ka dhan ah maqnaashiyahaas badan sida hadalka loo dhigay.
Mustaqbal
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…