Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa beeniyay warar laga qoray amniga Muqdisho oo lagu sheegay in ay qabsan karto ‘AS’
Cali Balcad ayaa tilmaamay in ‘AS’ ay weerar ka fulin karto Muqdisho balse aanay u qabsan Karin sidii Kabul 2021 iyo Dimishiq oo 2024 Dowladdii Bashar Al-Asad xukunka looga tuuray, sababta ayuu ku sheegay in Dowladda iyo Shacabka iska kaashanayaan amniga Caasimadda.
Dadka Muqdisho ayuu shaaciyay in ay dib usoo kabteen xaaladihii kala duwan ee adkaa ee soo maray, waxaana uu intaas ku daray in ‘AS’ ka faa’iideysato khalasaaraha siyaasadda oo aanay haysan tageerrada Shacabka sida uu hadalka u dhigay.
“Muqdisho ma ahan Kabul 2021 ama Dimishiq 2024, Amniga Muqdisho waxaa gacanta ku haya Dowladda Federaalka & Hay’adeeda amniga, Nolosha waa mid kasoo hagaagayso sidii hore, ‘AS’ weeraro way fulin kartaa iyada oo ka faa’iideysanaysa khalasaasaha Siyaasadeed balse ma haysato taageerrada Bulshada” Sidaasi waxaa yiri, Cali Balcad, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.
Isbaddel dhinaca amniga ah ayaa ka jira Muqdisho, waxaa warbixinno la xiriira dhinaca nabadgalyada Caasimadda lagu muujiyay shaqada adag ay hayaan Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka iyo sida ay ugu guulaysteen xakamaynta falalka nabadgalyada liddiga ku ah.
Mustaqbal
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…