GUDAHA/wararka

Trump “Boqollaal kun oo Qaxooti ah oo ka ymid Soomaliya ayaa si buxuda u qabsaday Minnesota”

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka hadlay sida Soomaalida ku nool dalkiisa gaar ahaan Gobolka Minnesota ay u qabsadeen Gobolkaas, waxaana uu ku hanjabay in uu qaadayo tallaabo ka dhan ah.

Trump ayaa si aan ka gambasho lahayn u sheegay in uu kala saari doonno hantida ay leedahay Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota, isaga oo tilmaamay in qofka aan lahayn hanti nadiif ah uu masaafurin doonno sida uu ku goodiyay.

“Boqollaal kun oo qaxooti ah oo ka yimid Soomaaliya ayaa si buuxda u qabsaday gobolka Minnesota oo mar ahaa mid weyn,” ayuu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlay Soomaalida ku nool dalkiisa.

Tallaabada xigta ayuu ku sifeeyay in ay noqon doonto joojinta socdaalka dalal uu ugu yeeray Jiilka Saddexaad isaga oo ula jeeda dalalka soo koraya ama saboolka ah oo inta badan loo adeegsado ereygaas.

“Waxa aan si joogto ah u joojin doonnaa socdaalka ka imanaya dhammaan wadamada saddexaad si nidaamka Mareykanka uu si buuxda ugu soo kabto,” ayuu ku qoray Trump barihiisa bulshada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW Donald Trump.

Hadallada adag ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u adeegsanayo Soomaalida ku nool dalkiisa ayaa kordhay maalmihii lasoo dhaafay, todobaadkii hore waxaa Minnesota ka dhacay dibadbax ka dhan ah go’aamada cusub ee Trump.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago