GUDAHA/wararka

Kenya oo dacwad ka gudbisay Dhallinyaro Soomaali ah oo Muuqaallo isaga dhex duubta Waddooyinka Nairobi

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in Dowladdaas ay usoo gudbisay dacwad ka dhan ah Dhallinyaro Soomaali ah oo Muuqaallo isaga soo duubta waddooyinka waa weyn ee Magaalada Nairobi.

Jibriil ayaa tilmaamay in qof uu ku dhintay arrintaan halka dad kale ay ku dhaawacmeen, laamaha ammaanka Kenyana ay u sheegeen in ay Safaaradda Soomaaliya ay u istaagayso sidii loo baraarujin lahaa dhallinyaradaas naftooda halista gelineysa.

Bulshada Kenya ee Martida loo yahay ayuu u sheegay Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle in aanay ka tarjumayn dhaqanka Soomaalida balse dadka ficilladaan cusub sameynaya ay yihiin dhallinyaro kooban oo wax laga qaban doonno.

“Waxaa maalmahaan jira barnaamijyo la xiriira dhallinyaro Soomaaliyeed oo waddooyinka waa weyn ee Nairobi sawirro isaga qaado, waa khalad waana dambi, waxa aan leenahay Hoteel ayaad isaga qaadi kartaa, guri ayaa isaga qaadi kartaa oo meelo kale ayaa ku samayn kartaa, muhiim ma ahan in aad gaari isku dhigtid, qof ayaa ku dhintay, dad kale ayaa ku dhaawacmay” Ayuu yiri, Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Dhallinyarada muuqaallada isaga duubta waddooyinka waa weyn waxaa sidaan oo kale digniin loogu diray Magaalada Muqdisho kaddib markii qaar kamid ah dhallinyaradaas ay halis ku galeen Gawaarida xamuulka qaada oo isku hordhigeen si ay muuqaallo isaga duubaan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

6 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

9 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

11 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

12 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

13 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

13 hours ago