Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in maxkamad loo gudbinayo askari katirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar oo dhowaan kasoo muuqday muuqaal isaga oo qorigiisa ku taagaya Haween Ganacsato ah.
Macallin Mahdi ayaa tilmaamay in Saldhigga Booliiska Degmada Xamarweyne oo aan sidaas uga fogayn goobta dhacdadu ka dhacday lagu xiray Dable, Ciidanka ilaalada Deegaanka Xamar, Cabdifitaax Maxamed Ibraahim, loona gudbin doonno Maxkamad.
Waxa uu ciidamada uga digay in ay ku dhaqaaqaan tallaabooyinka kahor imaanaya anshaxa lagu soo tababaray iyo in ay ku xadgudbaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed, askarigii lagu helaya ayuu sheegay in la maxkamadayn doonno.
Falcelin xooggan ayaa ka timid muuqaalka laga duubay askariga qoriga ku handadayay labo kamid ah haweenka ku ganacsatada afaafka hore ee Saldhigga Booliiska Degmada Xamarweyne, waxaana ugu dambayn lasoo qabtay askarigii arrintaasi sameeyay.
Hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir ayaa horay u xiray ciidamo ku dhaqaaqay tallaabooyin ka dhan ah Dad Shacab ah, waxaana saraakiisha taliska qaybta guud hoggaamiso ay sheegeen in maxkamad lasoo taagayo askartaas dambiyada kala duwan ku eedeysan.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…