FAALOOYINKA

Maxaa kadhasha si xun u maamulidda Marxaladaha kalaguurka?

Marxaladda kalaguurku waa mid kamid ah xilliyada ugu halista badan ee sababtay miihanowga iyo deganaansho la’aanta siyaasadeed ee ku habsaday Dalal  kamid ah Ameerika, Afrika iyo Aasiya kaddib markii ay xukuumadaha xilligoodu dhammaaday u maareyn waayeen marxaladdan si dastuuri ah,  maareyn xumida dhammaadka muddo xileedku waa musiibo weyn oo horseedda dagaal iyo deganaansho la’aan siyaasadeed, kuwaas oo horseeday aafo dhacarsatay dalalka iyo dadkoodaba, tusaalayaasha ugu dhow waxa kamid ah Kadeedkii Dadka iyo Dalka Kenya ay u horseedday doorashadii madaxtinimo ee Kenya  dhacday sanadkii 2007, taas oo muddo kooban sababtay dhimashada 1,200 oo qof iyo barakaca dad kabadan Nus milyan, sidaas waxaa sheegay hay’adaha xuquuqda aadanaha, dilka oo loo adeegsaday, Rasaas, Faashash, Dab iyo go’doomin ayaa sababay in Waddanku galo marxalad weli ay ka sheekeeyaan Keenyaanku.

Haddaba maxay dalalka muhiim ugu tahay maareynta Marxaladaha kalaguurka, sideese maareyn xumida marxaladdani  u saameysa Masiirka Waddanka?

Doorashadaas madaxtinimo ee Kenya waxa ku hardamay oo markoodii horaba isku hayey awoodda iyo hoggaanka Waddanka Qabaailka kaladuwan ee Kenya sida Kikuyada oo kadhigan 22% Luhya oo kadhigan 14%, Luo oo 13% ka ah tirada guud ee dadka, Kalenjin iyo Kamba oo isugeyntoodu 23% ka ah tirakoobka dadweynaha Kenya, waxa dhacay fowdo baahsan iyo dagaallo aan naxariis lahayn oo qabaa’ilka Kenay birta iska Aslay, mashaqada waxaa dab iyo baasiin ku sii shubay sida ay sheegtay UNDP 45.9% Kenyaanku xilligaas waxa ay ahaayeen sabool iyo Wax ma haysato dagaag ah, gaajadaasina waxa ay horseedday in dad boob, Kufsi, Nacayb iyo kalafogaansho bulsho.

 

Doorashooyinka Rabshadaha Watay ee Kenya-2007

Dhacdooyinkii xumaa ee ay horseedday doorashadaasi, dagaalkii aan xadka lahayn iyo caradii xarkaha koosatay ee u dhexeeysay Qabaa’ilku waxa ay Kenya Qarka u saartay in loo aqoonsado Waddan Fashilmay oo aan maareyn Karin waxa ka socda gudihiisa.

Kenya oo qaadatay nidamaka xisbiayada badan sanadkii 1991, waxa ay caan ku ahayd doorashooyin rabshada wata sidii dhacday sanadihii 1992 iyo 1997, xitaa madaxweyne Moi Kibaki oo kasocday xisbiga KANU qabtayna xilka madaxweynaha Kenya waxa uu kusoo baxay doorasho dhiig iyo rabsho leh.

February-2011 Xukunkii Keligi-taliska ahaa ee Masar oo ah mid kamid ah Waddamada ugu hormarsan Afrika ayaa Maareyn waayey habka uu xilka iyo awoodda u wareejinayo, 18 Maalin oo bannaanbax iyo deganaansho la’aan siyaasadeed ah MW Maxamed Xusni Mubaarak oo xukunka Waddanka qabsaday 1981 kaddib dilkii madaxweye Anwar Saadaat ayaa kadegey talada Masar, Waddanku waxa uu murankaas iyo Maareyn la’aanta Marxaladda Kalaguurka ku lumiyey Kaalintiisa Webiga Niilka, taasina waxa ay fursad Dahabi ah Siiyey Itoobiya oo Mashquulka siyaasadda arrimaha gudaha ee Masar ay u ahayd Fursad dahabi ah oo aan maalin walba la heli Karin, June-2012 Mubaarak, Labadiisii Wiil iyo Wasiirkiisii Caddaaladda Xabiib Caaddil iyo 6 kamid ah Kalkaaliyeyaashii Madaxweynaha ayaa la saaray Maxkamad aaqirkiina Feb-2020 ayuu geeriyooday iyada oo Waddanku dib ugu noqday Dhaqankiisii  hannaanka xukunka ciidanka, Musiibada Maareyn xumida marxaladda kalaguurku waxa ay la degtay Liibiya, Yamen iyo Siiriya oo isu rogey Sheybaarro waaweyn oo lagu tijaabsado hubka la kalagadanayo.

Marka aan eegno Dalkeena sagaalka madaxweyne ee soo martay Jamhuuriyaddu 3 kamid ah uma suuragelin in ay si Nabad ah xilka iyo awoodda u wareejiyaan!

Ahun Cabdirashiid Cali Sharma’arke waxaa toogtay mid kamid ah illaaladiisa, dilaagu ma sheegin  sababta iyo cidda ka dambeysay dilka madaxweynaha,  5 maalin ayaa Baarlamaanku ka doodayey madaxweynaha beddelaya maalinkii 6aadna waxaa dhacday Musiibadii Inqilaabka, Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo si ytala-wadaag iyo doorasho ah isu xukumeysay 9 sano oo bilo dhimman waxa uu gashay xukun keligi talis ah oo cagta mariyey dhammaan xorriyaadkii iyo xuquuqdii dadweynaha, madaxweynaha oo xukunka ku qabsaday Shanfarood iyo Calaacal waxa uu buriyey Dastuurkii Jamhuuriyaddu ku dhisnayd, waxa uu laalay maxkamaddii Waddanka islamarkaana waxa uu kala diray Baarlamaankii iyo guud ahaan hay’adihii dastuuriga ahaa magicii Waddankana isaga oo xoog ku qabsaday ayuu u rogay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, Jaalle Siyaad Qudhiisu ma moogeyn in Kacaanku galay dembi ka dhan ah Hannaanka tala-wadaagga iyo dastuurka Jamhuuriyadda

Kaddib dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya  Jaalle Siyaad ayaa Allaha u naxariistee dhegaha ka fureystay dhammaan baaqyadaii iyo dadaalladii ka imaanayey dibadda oo ay sameeyaan madax kaladuwan oo katirsan dowladihii  Waagaas saaxiibka iyo Jaalka la ahaa Soomaaliya, waxa uu diiday Waanwaantii ka billaabatay gudaha oo ay horsocotay kooxdii Manafesto kaddibna waxa ay gaartay in madaxweynaha Villa Soomaaliya looga saaro gaari gaashaaman,

Ahun Gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo doorasho kadhacday Kenya October-2004 ku noqday Madaxweynaha 6aad ee Jamhuuriyadda ayaa xilka iska casilay December-2008 kaddib muddo 4 sano ah oo Waddanku kujiray Welwel iyo Walaahow Siyaasadeed, inkasta oo dalku kujiray dhibaato kufilan in ay dib u riddo haddana madaxweynuhu waxa uu xilka ka degey iyada khilaafka siyaasaddu saameeyey shaqada xukuumadda.

5 kamid ah madaxweyneyaasha soomaray Waddanku waxa ay xilka iyo awoodda u wareejiyeen si Nabad ah, Aaden Cabdulle Cismaan oo qabtay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed July-1960 ayaa xilka ka degey iyada oo muddo xileedkiisa ay kadhiiman tahay muddo bil ah 10-June-1967,

Cali Mahdi Maxamed ayaa ku guuleystay doorasho kadhacday Jabuuti 27-January-1991, Inkasta oo Khilaaf siyaasadeed iyo kalaqaybsanaan bulsho ay sababtay in xukuumaddiisu ka shaqeyn weyso caasimadda haddana waxa uu aqbalay in looga guuleystay doorashadii kadhacday Isla Jabuuti 27-Augosto, sanadkii 2000, Cabdiqaasin Salaad Xasan oo doorashadaas ku guuleystay ayaa xilka wareejiyey 2004, Shariif Sheekh Axmed oo ku guuleystay doorashadii 3aad ee kadhacday Jabuuti January-2009 ayaa xilka si nabad ah u wareejiyey 2012,

Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka iyo Awoodda Waddanka kala Wareegay Shariif Sheekh Axmed ayaa markiisa si nabad ah u maareeyey marxaladda kalaguurka, sidaas awgeed waxa uu xilka ku wareejiyey Feb-2017 Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha 9aad ee Jamhuuriyadda kaas oo muddo xileedkiisi dhammaaday February-2021.

Madaxdii soo martay Waddanka, Musharixiinta xilka madaxweynaha iyo Abla-ableeyayaasha siyaasaddu dhammaadka muddo xileedka iyo in xukuumadda xilkeedu dhammaaday sii ahaato xukuumad gaarsiineed uma arkaan ceeb iyo meel kadhac gaaray Dhaqanka iyo caadada habsocodka doorashooyinka Soomaaliya hayeeshee ilduufku waa in  aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo saamileyda siyaasaddu wada-ogoshahay, Waddanka aanay ka socon doorashada dadban ee Baarlamaanka, Khilaafka iyo kalaqaybsanaanta labada heer ee dowladdu uu gaaray heer ay xukuumaddu maareyn weysay iyada oo haysata fursadda.

Yooyootanka Qabaa’ilka eedeynta madaxweynaha iyo taageeradiisa Cabsida, Cabashada iyo niyad xumada musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa cirka maray, sababtu waa guuldarooyinka kadhshay shirarkii kusaabsanaa maareynta marxaladdan.

Dad yar ayaa hannaanka Federaalka Soomaaliya oo markiisii ugu horreysay lagu xeeriyey dastuurkii 2012 ku eedeynaya in uu yahay sababta maareyn la’aanta marxaladda, waa suuragal in ay Neceb yihiin Nidaamkan hayeeshee xeerarka iyo dastuuradu kuma dhisna Jacaylka iyo Nacaybka madaxda iyo taageerayaashooda hayeeshee waxa ay kadhigan yihiin heshiis bulsho oo ay hadba cidda timaadda saran tahay in ay fuliso haddii wax laga beddelayo ama dib loo eegayana Waa shaqada laanta xeerdejinta.

Haddaba madaxweyne Farmaajo oo madal ka sheegay in uu gacan bir ah wax ku qabanayo ma maareyn karaa marxaladda kalaguurka, Maxaase  dhici kara haddii la furo kiiska dhegeysiga dacwadda Badda Soomaaliya iyada oo Waddanku kujiro xaaladdan!

General Editor

Recent Posts

Baashe Yuusuf oo ka horyimid xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Ka dib xilka qaadistii MW Xasan Sheekh ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf ayaa ka…

12 hours ago

Xuutiyiinta Yemen oo Sacuudi Carabiya ka dalbaday $51 bilyan si ay uga joojiyaan weerarrada

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudi Carabiya ka dalbatay lacag dhan 51 bilyan oo dollar, iyagoo…

18 hours ago

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Gorgor oo la dajiyay duleedka degmada Baraawe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan guutada…

20 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda…

21 hours ago

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay ka hortaga faragalinta Shisheeye

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasiir Axmed Macalin Fiqi…

22 hours ago

Netanyahu oo si rasmi ah u lumiyey aqlabiyaddii uu ku lahaa doorashada Israa’iil.

Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee…

2 days ago