Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa u arka in laacibkiisa Cristiano Ronaldo uu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or sanadkan 2018.
Cristiano Ronaldo ayaa xili ciyaareedkii lasoo dhaafay qaab ciyaareed cajiib ah lasoo qaatay kooxdiisii hore ee Real Madrid, kadib markii uu kusoo hogaamiyay ku guuleysiga markii saddexaad xiriir ah tartanka UEFA Champions League.
Massimiliano Allegri ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay fikirkiisa kaga aadan in Cristiano Ronaldo uu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or wuxuuna yiri”.
“Cristiano Ronlado wuxuu u qalmaa inuu ku guuleysto Ballon d’Or, sababtoo ah wax walba ayuu sameeyay, wuxuu dhaliyay goolal badan, sidoo kale wuxuu ku guuleestay koobab”.
“Waxa uu sameenayo xili ciyaareedkan, wuxuu naga dhigay heer kale, sababa la xiriira qibrada weyn uu xambaarsan yahay, wuxuu dhiiragalin weyn u yahay inaan ku guuleysano dhamaan u jeedooyinkeena xili ciyaareedkan” ayuu yiri Allegri.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…