Manchester City ayaa guul sahlan ka gaartay dhigeeda Huddersfield Town kaddib markii ay kaga adkaadeen 6-1 gool.
Kulanka qeybtiisa hore ayaa lagu kala maray 3-1 oo ay cayaarta ku hogaamineysay City, waxaana dhacday in kooxda ay seddaxda goolba dhalisay 10 daqiiqo gudahow iyadoo uu goolka hore bilaabay Sergio Aguero ka hor inta uusan Gabriel Jesus raacsan goolka labaad markii uu kubbad lasoo xawaareeyay daafaca Bidix ee Mendy dabadeedna uu dhameystirin laacibka kasoo jeeda dalka Brazil.
Afar daqiiqo kaddibna waxaa yimid goolka seddaxaad oo waxaa markale shaqaba gaaray Aguero.
Intaa kaddib Huddersfield ayaa la timid goolka intaan la kala marin qeybta hore waxaana u dhaliyay daqiiqadii 43-aad laacibkooda Jon Gorenc-Stankovic.
Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe City kuma aysan dhibtoon iney sii dheereystaan goolasha oo laba daqiiqo markii ay socotay qeybta dambe David Silva ayaa u dhaliyay goolka afaraad kasoo ahaa Free ama Laabka xorta.
Dhankastaa kulanka difaacayasha horyaalka ee city ayaa kaga wanaagsanaa Huddersfield oo xitaa aan awoodin iney kubbada dhaafsiyaan bartanka garoonka.
Cayaarta oo ay ka harsan tahay 15 daqiiqo dhamaadkeeda Kun Aguero ayaa dhameystiray goolasha loo yaqaan hat trick ama seddaxley markii uu caawin fiican kala helay Benjamin Mendy ka hor inta aan la badalin ninka reer Argentina waxayna ka dhigan tahay Hat Trick uu dhaliyay markii sagaalaad uu Seddaxley ka dhaliyay Premier League.
Gunaanadka dheesha markii lasoo gaaray naadiga Manchester city ayaa heshsy goolka lixaad wuxuuna ahaa mid ay iska dhaliyeen cayaariyahanada Huddersfield Town kaddib markii kubbad weerar ah oo ay soo wada cayaareen Jesus iyo Sane uu badbaadiyay goolhayaha balse uu markii dambe goolkiisa ku dhameystiray cayaariyahanka Terence Kongolo.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…