Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay liis dheer oo ay ku qoranyihiin 15 Xubnood oo ay ku sheegtay in ay ka kala tirsanyihiin Ururrada Daalibaan, Al-shabaab, Daacish iyo Xisbullah.
15kan qof ayaa gacanta lagu dhigay intii u dhaxeysay 2001dii ilaa 2018ka,waxaana ay dowladda Mareykanka ku sheegtay in ay yihiin xubno Ururrada Argagixisada ay u dirsadeen Mareykanka.
Waxaa ku jira tiro Soomaali ah waxaana ka mid ah;
1-Cabdulahi Shariif, Somalia, lagu xiray Alberta, Canada, September 2017, ka tirsan Daacish.
2-Ibrahim Qoordheere, Somalia, lagu xiray Costa Rica, March 2017,ka tirsan al-Shabaab
3-Abdullahi Cumar Fidse, Somalia, lagu xiray Sohdinta Mexico-Texas , June 2008, ka tirsan Al-shabab
4-Maxamed Axmad Dhakane, Somalia, lagu xiray sohdinta Mexico-Texas , October 2008, ka tirsan Al Itixaad Al Islaami .
5-Qof aan la magacaabin u dhashay Somalia , lagu xiray sohdinta Texas-Mexico, June 2014, ka tirsan al-Shabaab.
6- Qof aan la magacaabin, u dhashay Somalia, lagu xiray sohdint Mexico-California, May 2011, ka tirsan Al-shabab, Aabbihiis, Hooyadiis iyo Afar Carruur ah oo la dhalatay ayaa sidoo kale ku jira liiska Argagixisada isha lagu hayo.
Waxaa kale oo sidan oo kale lagu qabtay Sohdinta Mareykanka iyo Mexico 9 Qof oo kale oo u kala dhashay Dalalka Afghanistan,Lebanan, Pakistan, Sri Lankan iyo Bangladesh.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa horay u sheegay in dadka ka soo gudbaya Sohdinta Mexico ay ku jiraan Dad ka soo jeeda Bariga Dhexe iyo Afrika,kuwaas oo iska dhigaya soo galooti laakiin u diiwaangeshan Ururrada Argagixisada ah.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…