Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in bartamaha Bisha soo socota ee December Soomaaliya loo qaban doono shir lagu taageerayo.
Kheyr ayaa sheegay in shirkaas diiradda lagu saari doono cafinta Deemaha iyo taakuleynta Soomaaliya.
Waxa uu intaa ku daray in ay barbar socdaan Sameynta Yabooha Waxbarashada iyo Dib u dhiska Dalka oo kaalin fir-fircoon uu ka qaadan doono Ururka Jaamacadda Carabta.
Bilawga 2019-ka ayuu sheegay in si rasmi ah Soomaaliya ay u martigelin doono Shirka Jaamacadda Carabta oo ugu horeeyo kan Wasiirada Arrimaha Dibadda ururka.
Faaiidooyinka Soomaaliya ugu jirto waxa uu ku tilmaamay in ay kamid yihiin in Caalamka ay arkaan soo laabashada Soomaaliya, Marti gelinta shirar kale iyo kuwo kale.
Mudada lixda bil ah ee Soomaaliya hogaanka u heyn doonto Shirarka Jaamacadda Carabta waxa uu ku sheegay in ay tahay inta u dhaxeyso Bilaha March illaa September 2019.
Soomaaliya ayaa kasoo kabaneysa Bur-burkii dalka uu galay sanadii 1991-kii, waxaana dib usoo laabanaya marti-gelinta shirarka Ururada ay ku jirto ama Xubnaha ay ka tahay.
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…