Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Madaxweynihii hore ee Nageria, Muhammadu Buhari.
Qoraal kooban oo uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu yiri:
“Waxaan u dirayaa tacsi tiiraanyo leh Madaxweynaha Nigeria H.E. Bola Ahmed Tinubu, dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Nigeria, geeridii ku timid Madaxweynihii hore Muhammadu Buhari. Wuxuu ahaa hoggaamiye ku suntanaa adeeg daacadnimo iyo u heelnaanta dalka iyo dadkiisa. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa Jannatul Firdaws ku abaalmariyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.”
Hadalka Madaxweynaha oo sii socda ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaag buuxa, tacsina la wadaagta shacabka iyo dowladda Nigeria, xilligan murugada iyo tiiraanyada leh”
Madaxweynihii hore ee Nigeria, Muhammadu Buhari, ayaa maalmahan xanuunsanaa, wuxuuna ku geeriyooday dalka Ingiriiska isagoo 82 sano jir ah.
Wuxuu dalka Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Afrika, xukumayay muddo 8 sano ah, isagoo door muuqda ka qaatay horumarinta, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo xasilinta guud ee dalka.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…