Madaxweyne Xaaf oo Ka hadlay Dagaal Beeleed iyo Dilal ka dhacay Galmudug.

Madaxda Galmudug oo ka hadlay Dagaal Beeleed iyo Dilal ka dhacay Deegaanada Maamulkaas.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay dagaal beeleed iyo dilal ka dhacay Goboalda Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Odoyaasha Maleeshiyaad Beeleed maanta ku dagaalamay Deegaan hoos taga Degmada Balanbal in ay xal u raadiyaan daminta Xiisadda dagaalka ka dhalatay.

Waxa uu intaa ku daray in aan Maamulkooda heysan Ciidamo ay u diraan Deegaanada ay ku dagaalamayaan Maleeshiyo beeleedyada, sababta waxa uu ku sheegay in Dowladda Federaalka ay dhegan tahay.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda Galmudug in aan adeegsan Dowladda iyagane ay kahor taagan tahay sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhankiisa sheegay in aan Xiligaan loo baahneen in ay is dilaan Dad ehel ah oo dhaqan iyo dhiig wadaaga.

Dagaal Beeleedkaan ayuu sheegay in ay soo noq-noqdeen, Odoyaasha dhaqanka, Culimada iyo dhammaan cid waliba oo ka qayb qaadan karto kala dhex galista waxa uu ka dalbaday in ay u istaagaan.

Ka maamul Ahaan Shiikh Shaakir ayaa tibaaxay in kasoo dhalaali doonaan Kaalintooda ku aadan saminta Dagaal Beeleedka ka dhacay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

12 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago