Madaxweyne Waare oo Kormeeray Dekedii Ceel Cade iyo Garoonka Cisaley.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas’uuliyiin katirsan maamulkiisa ayaa Maanta Kormeer Ku sameeyay Deegaanno dhowr ah.

Goobaha ay tageen waxaa kamid ah Xeebeedka Ceel Cade, Garoonkii Diyaaradaha ee Cisaley iyo goobo kale.

Socdaalka Madaxweyne Waare waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan Iyo Masuuliyiin kale.

Dekedii Macmalka ahayd ee Ceel Cade waxaa laga soo dejin jiray Shidaalka iyo Badeecado kale Sidoo kale Madaxweynaha Wuxuu Soo indho indheeyay Garoonkii Diyaaradaha Cisaley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ayaa tagay Isbitaalka Keysaney, halkaas oo ay kula kulmeen maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka.

Waxa uu Waare ka tacsiyeeyay Dhacdo Todobaadkii hore ka dhacday gudaha Isbitaalka kadib markii Nin dhaawac ahaan loogu geeyay in loogu daweeyo lagu dhex dilay Isbitaalka.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

12 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago