Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.
Sida lagu sheegay qoraal ay faafisay Villa Somalia Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.
Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.
Qoraalka Villa Somalia waxa kale oo lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adkeynayso in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Si Kastaba, Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo maanta shir kus oo xirtay Kismaayo ayaa sheegay iney xiriirkii ay la lahaayeen Dowladda dhexe ay hakiyeen, Inta ay ka dhabeyneyso balan qaadyo ay hore ugu sameysay.
Xigasho: Villa Somalia
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…