Wafdiga Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta oo Axad ah ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe. Ujeedka safarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ah in uu la kulmo madax katirsan Dowladda Shiinaha oo uu casumaad ka helay.
Waxyaabaha uu kala hadlayo waxaa kamid ah, in Xukuumadda Beijing ay ka taageerto Mashaariic lagu hormarinayo dhaqaalaha Puntland iyo maalgashi ay ku sameystaan ganacsatada dalkaasi.
Waa safarkii labadaad oo Madaxweyne Deni ku tago dalka dibadiisa tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo uu ku guuleystay doorasho ka dhacday 8-dii Janaayo sanadkaan 2019-ka.
Horay waxa uu u tagay Dalka Isugu tagga Imaataarka Carabta oo uu kula kulmay Madaxda Dalkaasi. Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa daba-jooga ballanqaadyadii Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ay u sameeyeen qaar kamid ah dalal uu horay u tagay.
Socdaalkiisa Shiinaha waxaa ka horeeyay, safaro dhulka ah oo uu ku tagay Deegaanada Maamulka Puntland, waxaana saacadihii lasoo dhaafay uu isbadal ku sameeyay Maamulka Gobolka Mudug dhanka waqooyi ee hoostaga Dowlad Goboleedka Puntland
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…