GUDAHA/wararka

Ciidamada Puntland oo gobolka Mudug ku qabtay ninkii maamulayay xabsiga Jeel Ogaadeniya.

Warar laga helayo gobolka Mudug, ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu gacanta ku dhigay nin lagu magacaabo Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere), kaasoo la sheegay inuu ahaa madaxii xabsiga Jeel Ogaadeen ee magaalada Jigjiga.

Xabsigan oo dadka lagu ciqaabi jiray mudadii uu xafiiska fahdiyay madaxweynaha xabsiga ku jira ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Albaabada la isugu dhuftay 22-kii Sebtembar 2018.

Sida wararka lagu helayo Xasan Dheere waxa uu si dhuumaaleysi maalmihii danbe ku joogay magaalada Goldogob, kaasoo markii danbe xogtiisa laga war helay, iyadoo xalay Ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen.

Dad arintan ka war haya ayaa ku waramaya in Puntland ay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay xuduud wadaag yihiin ay ku wareejisay Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere),wuxuuna kamid yahay dad loo heysto tacadiyo ka dhan ah aadanaha oo laga geystay gobolka.

Sida qorshuhu yahay, maanta ayaa la filayaa in ninkan dib loogu celiyo magaalada Jig Jiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida, halkaasoo ah meeshii uu markeedii hore isaga soo cararay.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar), ayaa hore u sheegay iney meel kasta oo ay galan  ka soo saarayaan dadka dhibaatooyinka u geystay Shacabka, wuxuuna hore deegaano kamid ah Somaliland uga soo qabtay Wasiiro iyagoo baxsad ahaa la qabtay

News Editor

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

11 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

13 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

14 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

19 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

21 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

21 hours ago