Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa laga qabtay shir looga hadlaayay amaanka deegaanada Hirshabeele Gaarahaan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.
Shirka amaanka looga hadlaayay waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo masuliin ka tirsan Madaxtooyada Hirshabeelle waxaana lagu gorfeeyay xaalada Amni ee deegaanada Hirshabeele
Markii kulanku soo idlaaday waxaa warbaahinta Wasiirka Madaxtooyada Hirshabeelle Cabdullaahi Maxamed Cadoow waxa uu na sheegay in shirka looga hadlay arimaha Amaanka Hirshabeelle ,Khilaaf ka dhexeeyay qaar kamida Saldhigyada laamaha Amaanka degmada Baladweyne iyo sidii loo hormarin lahaa Magaalada Baladweyne oo loo samayn lahaa wadooyinka Magaalada.
Wasiirku waxaa intaa kudaray in dadka reer Baladweyne looga baahanyahey in wax kastoo dhexdooda wada hadal ku dhameeyaan wixii maanta ka dambeeyana laga gudbo sida uu hadlaka u dhigay, waxa uu ku amaanay shacabka Hirshabeelle in ay yihiin kuwo u diyaarsan Dowladnimada.
Dhanka kale wasiirka amniga Maamulka Hirshabeelle Cabdulqaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay in Magaalada Baladweyne ay ka shaqeeyaan Dhaqaatiir ajaanib oo dadka siiya daawooyin qaladan sida uu hadalka u dhigay ayna talaabo ku haboon ka qaadayaan.
Waxa uu intaa kudaray in howl galo balaaran ay ka socdaan Gobolka Shabeelaha dhexe ayna ku sugayaan Amaanka deegaanada Hirshabeelle isga oo ku bogaadiyay ciidanka amaanka in ay ka feeljiganyihiin weerada Al Shabaab, oo weeraro ku qaada deegaanada Goobaha ay suganyihiin dhinacyada dagaalka kula jira.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…