Madaxweynaha dalka Chad Mahamat Idriss Deby Itno ayaa cafis u fidiyay 259 qof oo kamid ah 262 qof oo bishii December lagu xiray iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhex maray booliska iyo dad ku mudaaharaadayay magaalada caasimada ah ee N’Djamena.
Dadkaas ayaa lagu xukumay dambiyo ay ka mid yihiin burbur hanti, rabshado iyo weerar intii uu socday iskahorimaadka oo ay ku dhinteen 73 qof.
Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa maalmo ka dib markii 380 fallaago ah oo loo haystay geeridii hoggaamiyihii hore ee Idriss Deby lagu xukumay xabsi daa’in.
Marxuum Idriss Deby ayaa ku dhintay howlgal ka dhan ah fallaagada sanadkii 2021-kii, wuxuuna dalka xukumayay muddo 30 sano.
Isha: BBC
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…