Categories: Last News

Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug oo soo dhaweeyay Xisaabiyaha guud ee qaranka

Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug State, Abdulrazak Mohamed Abdi, ayaa maanta xarunta Bangiga Dhexe ku soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdirahman Mohamed Aanas.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa socdaal uu Xisaabiyaha Guud ku marayo hay’adaha maaliyadeed ee dowlad-goboleedyada dalka, ujeeddadiisuna tahay xoojinta wada-shaqeynta, daah-furnaanta, iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Intii uu socday kulanka, Maamulaha Bangiga Dhexe ee Galmudug, Abdulrazak Mohamed Abdi, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda:

• Horumarinta nidaamyada maaliyadeed ee Galmudug.
• Iskaashiga joogtada ah ee dhanka maamulka dhaqaalaha.
• Xoojinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee dalka.

Maamulaha ayaa caddeeyay in Bangiga Dhexe ee Galmudug ay ka go’an tahay la shaqeynta Dowladda Federaalka iyo hay’adaha kale ee maaliyadeed, si loo dhiso nidaam maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo, laguna dhiirrigeliyo maalgashi iyo horumar waara oo gobolka ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

38 mins ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

45 mins ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

57 mins ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

12 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

15 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

15 hours ago