Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Daacish oo ka socda deegaanka Togga Miraale ee gobolka Bari.
Ciidamada Difaaca Puntland ayaa xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ay kooxaha Daacish kaga sugnaayeen Togga Miraale.
Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in duqeymo laga maqlay deegaankaasi, kuwaasi oo lala beegsanayay xubnaha Daacish.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka iyo duqeymaha ka dhacayd deegaanka Togga Miraale ee gobolka Bari.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amniga Puntland oo la xiriira dagaalka.
Maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Amniga Puntland ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan buuraha Gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xubno Daacish ah.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…