Ku simaha Madaxweynaha Koofur Galbeed oo beeniyay faragelinta lagu eedeeyay D.Federaalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ahna ku simaha Madaxweynaha maamulkaasi ayaa beeniyay faragelin la sheegay in dowladda Federaalka ah ay ku heyso doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

C/Qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa sheegay in aysan jirin faragelin dowladda dhexe ku heyso degaanka Koofur Galbeed gaar ahaanna doorashada ka dhaceysa maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in ay hadda isku filanyihiin,Koofur Galbeedna uu ka jiro maamul leh Baarlamaan,madaxweyne KMG ah, gole wasiirro oo shaqeynaya iyo Guddi doorasho.

Waxaa kale oo uu C/Qaadir Shariif sheegay in Dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay dhamaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay ka mid tahay Koofur galbeed xiriir fiicanna kala dhaxeeyo.

Waxaa uu meesha ka saaray eedaha la xiriira oin dowladda Federaalka ah ay faragelin ku heyso Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana uu xusay in wixii farsamo ah ee ay dowladda dhexe uga baahdaan weydiisan doonaan haddase ay iyagu isku filanyihiin.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago