Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Imaaraadka

Maamulaha Magaalada Dubai ahna Madaxweyne ku xigeenka Dalka Imaaraadka Carabta Sh.Maxamed bin Rashiid Al Makhtuum ayaa cambaareeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta.

Makhtuum ayaa sheegay in uu ka niyad jabsanyahay waxaa uu ku sheegay dagaallada  iyo murannada ka jira Gobolka iyo Dunida Carabta ee ay ku lug leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta,iyada oo ay ka dhib badan tahay mushkiladaha ka jira gudaha dalka.

Waxaa uu cambaareeyay siyaasadda ku dhisan xadgudubka ,waxaana uu dowladda Imaaraadka ugu baaqay in ay xoogga saarto waajibka ka saaran muwaaddiniinta gidaha dalka halkii ay dibadda ku mashquuli lahayd.

“nolosha ayaa I taabatay, waxaan si togan ugu lug leenahay  mushkilada iyo khilaafka Gobolka,kheyraadkeenna iyo waqtigeenna ayaa halkaas ku lumaya”,ayuu yiri farriimo dhowr ah oo uu Twitter-ka ku qoran ayaa sidoo kale lagu arkay dhaliilo badan oo uu u jeedinayo xukuumadda Abu Dhabi.

Waxaa kale oo uu yiri; “haddii qof doonayo in uu hiigsi gaaro kaas oo ay ku jirto danta dadkiisa,waxaa ugu muhiimsan dalkiisa gudahiisa,taariikhda ayaana marqaati ah”.

“waxaan dheeraad ku nahay siyaasadda Dunida Carabta,waxaana ka gaabinnay maamulka, dhibaatadana na heysata waa maamul xumo,waan heysannaa kheyraad ,eeg hiigsiga China iyo Japan, ma heystaan kheyraad dabiici ah, eeg dalalka heysta Shidaalka,Gaaska iyo Saliidda, Biyaha iyo Dadka ee aan heysan fursad horumar, oo aan xitaa awoodin in ay bixiyaan adeegyada aas aasiga ah ee dadkooda sida Koronta iyo Waddooyinka”.

“Dunida Carabta siyaasiyaga waa qofka maamula Dhaqaalaha,Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Warbaahinta,laakiin siyaasiga Adduunka waa midka sameeya nolosha dhaqaale yahanka, waxbarashada, Ganacsiga iyo xirfadda warbaahinta oo horumarsan”.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

17 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

22 hours ago