Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay cafis u fidisay Dhallinyarada ku jirta Al-shabab,kuwaas oo doonaya in ay si iskood ah uga baxaan Al-shabaab.
Mudada cafiska uu soconayo ayaa lagu sheegay in ay tahay saddex bilood,waxaana muddadaas dhallinyarada isku dhiibta ay ka faa’ideysan karaan cafiska Dowladda.
Maxamed Biriq isu duwaha Amniga Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in Dowladda ay ugu baaqeyso dhalinyarada u dhashay Gobolka Waqooyi bari in ay isaga baxaan Al-shabaab iyaga oo ka faa’ideysanaya cafiska dowladda.
Dhinaca kale Maxamed ayaa Saraakiisha Hay’adaha amaanka ku dhaliilay in aysan joogin goobaha loogu talagalay ee miyiga ah,sidaasna ay Al-shabaab uga faa’ideysataan abaabulka weerarrada ka dhanka ah Dowladda.
Waxaa uu ku amray in dib ugu laabtaan xeryaha kana tagaan Magaalooyinka amaanka ah,isaga oo sheegay in haddii aysan dib ugu laaban saldhigyadooda amaan darrada ay ka billaabn doonto Magaalooyinka ay habeenkii ku hoydaan.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…